AQRISTOW MA OGTAHAY MASE LA SACOTAA IN


 MA OGTAHAY?

1-Ma ogtahay Qofkii ugu Horeryey ee Degga Xaramka in uu ahaa Haweeney waana Haajara.
.2- Ma ogatahy Qofkii ugu Horeeyey ee Rumeyey Rasuulka (CSW), in ay ahayd Haweeney waanna Khadiijah Bint Khuweylid.
3- Ma ogtahay Qofkii ugu Horeeyey ee Dhiigiisa islaamka u Daadiyey in ay ahayd Haweeney, waana Sumaya (Cammaar Aala Yaaser Hooyadiis).
4- Ma ogtahay in ilaahey soo Dejiyay Suurad dhan taas oo loo gaar yeellay Dumarka, waana Suuratu (Nisaa).
5- Ma ogtahay in Khudbatu Wadaac uu Rasuulku (CSW), yiri (Dumarka waxaan idiin Dardaarmayaa Khayr), uunna ku cel celiyay Saddex jeer.
6- Ma ogtahay in Rasuulka (CSW), uu yiri "Qofkii uu ilaahey siiyay Saddex Hablood, isla markaanna Edbiya ee Wanaajiya Eddebtooda waxa ay u noqonayaan kuwo Naarta ka Xoreeyaa.
7- Ma ogtahay jannada Allaah u Balan qaaday Mu'miniinta in la dhigay Lugaha Hooyooyinka Hoostooda.
Hadaba Raggow ogaada dumarka waa noolaha ugu qaalisan e hadla, ugu naxariista badan ugu na qalbiga jilcan. Dhowr oo u kaalmeey, jecloow oo u qalbi daji, xafid oo difaac.

Post a Comment

Previous Post Next Post

Popular Items